U bood dhigaalka

Somaliland: Duufaanta Oo Sababtay Internet La’aan

Sheeko:Dalka

Magaalooyinka Somaliland ayaa maanta la sheegayaa internet la’aan marka laga reebo Internet ka shirkada Telesom .

Waxaana Internetka go’ay uu saameeyey shaqada magaalooyinka, waxaa loo sababeeyay duufaanadii ku dhuftay xeebaha gobalka Salal taas oo sameeyey oo weliba  jaray xadhkihii iyo Toweradi Internet- ka Jabuuti ka soo qaadi jiray . Badi shirkadaha Somaliland Internet kiu waxuu uga  yimaada dalka Jabuuti

Dhinaca kale, Lix qof  ayaa lagusoo waramayaa in ay ku dhinteen Roobab Duufaano wata Oo xalay ka da’ay Deegaanada iyo Xeebaha Gobalka Salal Sida uu Goobjoog News u  xaqiijiyay wariye Maxamed Cawaale Daahir Oo ku Sugan Gobalkaasi.

Dhibaatadan la sheegayo Somaliland waa qeyb ka mid roobab iyo duufaanno ku dhuftay 48 saac la soo dhaafay xeebaha waqooyi ee dalka kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maal leh.

Wararkan, kala soco Goobjoog News