U bood dhigaalka

Somaliland: Fadhigii Anasixin Miisaaniyadda Sanadka 2017 oo Ay hareysay Siyaasadaha Isdiiddan ee Axsaabta

Sheeko:War

Baarlamaanka Somaliland oo maalintii shalay shir ku yeeshay xaruntooda magaalada Hargaysa ayaa la horkeenay miisaaniyaddii sanadka 2017 ee maalmulka iyadoo ay hareeyeen kulanka siyaasadaha is diiddan ee Axsaabta.

Bilowgii kulanka ayaa waxaa xubnaha baarlamaanka ka horjeediyay faahfaahinta miisaanidyadda xildhibaan Cumar Maxamed Saleebaan oo ah guddoomiyaha guddiga dhaqaalaha ee baarlamaanka.

Haldal jeedinta guddoomiyaha guddiga dhaqaalaha kadib ayaa guddoomiyaha baarlamaanka Cabdiraxmaan Cirro soo jeediyay in xildhibaannadu is qoraan si looga doodo misaaniyadda kadibna loo ansixiyo; waxaase isla markiiba buuq sameeyay xildhibaannada xisbiga Kulmiye oo doonayay in si duubduub ah lagu asnsixiyo miisaaniyadda, halka xildhibaannada Waddani ay doonayeen in miisaaniyadda dood la galiyo kadibna loo codeeyo. Is jiidjiidka labada dhinac ah iyo kulankii oo faraha ka baxay dartii ayaa waxa uu guddoomiye Cirro  ku dhawaaqay in kulanku xiran yahay.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa si aad ah u soo shaacbaxayay loollan adag oo u dhexeeya labada xisbi ee Kulmiye iyo Waddani oo ah labada xisbi ee ugu tunka roon loollanka loogu jiro doorashada 2017 ee madaxtooyada Somaliland.

Goobjoog News