U bood dhigaalka

Somaliland: Gabar Qoraa Ah Oo Lagu Xukumay 3 Sano

Sheeko:Dalka

Sida uu sheegayo weriyaha Goobjoog News ee Hargeisa, Somaliland ayaa gabar qoraa ah ku xukuntay 3 sano oo xarig ah.

Qareennadii u doodayey Naciima Qorane waxaa ay sharci-darro ku tilmaameen go’aanka maxkamadda iyaga oo intaasi raaciyay  in ay racfaan ka qaadan doonaan.

Qareennada  waxay maxkamadda Hargeysa u gudbiyeen codsi ay kaga dalbanayaan in la baadho tacaddiyo ay sheegeen in ciidanka Sirdoonka Somaliland iyo Boolisku u gaysteen Naciima Qorane muddadii ay gacantooda ku jirtay.

Waxaa warqadda ku qoran in ciidanka sirdoonku ay ku qasbeen Naciima Qorane inay u sheegto numberka sirta ah ee telefoonkeeda haddii kale ay u xarayn doonnaan nin Neyjeeriyaan ah oo ay dumarka u xareeyaan isla markaana waxay doonaan ku samayn doonaan haddii ay diiddo hase ahaatee waxba ma dhicin.

Abwaan Naciima, oo horay loo xiray January ayey maxkamadda ku heshay in ay aflagaadeysay laamaha kala duwan ee Somaliland.

Naciimo waxaa ay qortaa farriimo ka hadlaya midnimada Somaliland, arrintaas oo xagjir ku tahay.

Horay waxaa ay u timid Muqdisho, iyada oo barnaamijyo ay ka qeybgashay ku ammaantay midnimada Soomaaliya arrintaas oo u cuntami weysay Somaliland.

Goobjoog News