U bood dhigaalka

Somaliland: Go’aan Cusub Oo Ku Saabsan Kalluumeysiga

Sheeko:Dalka

Wasiirka Wasaarada xanaanada xoolaha iyo kalluumeysiga Somaliland Xasan Maxamed Gaafaadhi oo maanta hortagay golaha guurtida, kana warbixiyay waxqabadkiisa ayaa sheegay in ay jiraan shirkado kalluumeysi oo jabiyay sharciyadii rukhsadda loo siiyay iyo qaabka kalluumeysi, iyaga oo bilaabay kalluumeysiga nooc libaax badeedka ka mid ah oo loo yaqaan “Indho-tooshle”. Ka kalluumeysigan libaaxa noocyadan ah waxaa ay bilaabatay 2017-kii.

Wasiirka Xasan Maxamed Gaafaadhi oo warbixin siinayey golaha guurtida Somaliland ayaa sheegay in guud ahaanba Somaliland la joojiyay ka ganacsiga iyo dhoofinta saddex nooc oo ka mid ah kheyraadka sida dhoofinta Kaluunka libaaxa-badaha Somaliland ee noocan “Indho-tooshlaha” iyo libaax badeedka gebi-ahaantiiba, dhoofinta Diinka iyo naasleyda badda ku jira.

Gaafaadhi waxaa uu sidoo kale ka hadlay in aaney joojin kalluumeysiga balse ay joojiyeen uun kaluun mamnuuc ahaa oo xeerkii iyo sharcigii ay siteen ku baal-mareen.

Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo kalluumeysiga Somaliland Xasan Maxamed Gaafaadhi , ugu dambeyntii, xagga dhoofinta waxaa uu soo qaatay in kaluunka lagu dhoofin kara uun ama inuu yahay mid la qaboojiyay ama baraf ku dhex-jira balse aan la dhoofin karin kaluun nool.

Goobjoog News