U bood dhigaalka

Somaliland: Guddiga Doorashada Oo Shaaciyay Doorashada 16 Kursi Oo Ka Tirsan Kuraasta Golaha Shacabka

Sheeko:Amniga

Guddiga hirgelinta doorashooyinka gobalada waqooyi ayaa shaaciyay 16 kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Somaliland kuwaas oo dhawaan la qaban doono.

Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in beri oo ay 1 tahay bisha December la xareynayi ergada dooraneyso kuraastan.

Kuraasta la dooranayo maalmaha soo aaddan ayaa waxaa ka mid ah kuraasta tirsigoodu yahay HOP#201, HOP#209, HOP211, HOP#257, HOP#260, HOP#37, HOP#262 iyo kuwa kale.

Somaliland ayaa ah maamulki ugu horeyay ee bilaaba doorashada golaha shacabka.