U bood dhigaalka

Isbitaalka Qaaxada ee Ugu Weyn Somaliland oo Dhaqaale yari Darteed u Xirmaya

Sheeko:Dalka

Isbitaalka  lagu daweeyo xanuunka qaaxada ‘TB-da’,  ee ku yaalla magaalada Boorama ayaa looga cabsi qabaa inuu u xirmo dhaqaale la’aan ka dib markii uu waayey  caawimaad uu ka heli jiray hay’addo madax banaan oo maxali ah .

Isbitaalkan oo ah ka ugu weyn ee  ku yaalla Somaliland, ayaa  waxaa   maamulkiisu ay Sheegayeen inuu halis ugu jiro inuu shaqada joojiyo, ka dib markii ay dayacnaan xagga qalabka shaqada ah iyo shaqaale la’aan soo food saartay  shantii bilood ee ugu dambeeysay.

Maxamed Mahdi oo ah agaasimaha Isbitaalkan ayaa sheegay in ay ka walwalsan yihiin   gaabiska shaqo ee soo food saaray  Isbitaalkan waxaanu yiri, “Isbitaalkani waa ka kaliya ee  ugu weyn ee leh qaybta bukaanka jiifka, balse waxa haysta dhib  sababi karta inuu xirmo, sababta oo ah ma haysanno qalab, ma haysano shaqaale oo shaqaalihii waxay u wada tageen lacag yari ama  la’aanba madaama uu xanuunkani yahay mid halis ah oo dadka  iskaga gudba  qofka shaqaalaha ahi waxa uu u baahanyahay inuu helo lacag uu ugu bareeri karo khatarta  tiina meesha way ka baxday “.

Agaasimaha ayaa sheegay in  cisbitaalku waayey  dhaqaale ay ka heli jireen  hay’ado maxalli ah kuwaasi oo sababo u gaar ah uga gooyey lacagihii ay ku taageerayeen Isbitaalka,  sidoo kale waxaa xumaaday ayuu yiri Labo baabuur oo u shaqayn jiray Isbitaalka oo aan hadda hawlgalin muddo Labo bilood ah .

Isbitaalkan  oo ay hadda  jiifaan bukaan ku dhaw 50 qof   oo aan wax lacag ahi laga qaadin ayaa  waxay u baahan yihiin daryeel shaqaale iyo daweynta ugu habboon iney helaan .

Isbitaalkan  oo shaqaynayey illaa sannadkii 2002dii waxa asaastay qaybtan TB-da haweenay  arrimaha samafalka ka shaqayn jirtay oo lagu magacaabi jiray Annalena una dhalatay dalka Talyaaniga taasi oo  7-dii  bishii  October 2003  dablay aan la aqoonsanin ay ku toogteen gudaha magaalada Borama.

Goobjoog News