U bood dhigaalka

Somaliland iyo Shirkadda DP World oo Maanta Heshiis Kama Dambeys ah Kala Saxiixday

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta si rasmi ah heshii kama dambeys ah u kala saxiixday Somaliland iyo shirkadda Emaratka ee horumarinta dekedaha ee DP World.

Wafti ballaaran oo uu hogaaminayo madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaacii (Saylici), oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa dalka Emaratka Carabta una joogay sidii ay u dhameystiri lahaayeen heshiiska DP World oo is fahamkiisu uu horey u dhex maray labada dhinac, heshiiska ayaa ugu dambeyn maanta si rasmi ah loo kala saxiixday. dhanka shiradda waxaa u saxiixay agaasimaha guud ee DP World Sultan Ahmed Bin Sulayem, halka uu Somalilandna u saxiixay wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire.

Dhanka kale, Shirkadda DP World  ayaa maanta bayaan ay soo saartay ku sheegtay iney ku guuleysteen maalgashiga dekedda Berbera oo ay muddo 30 sano maamulkeeda iyo horumarinteedaba ay mas’uul ka noqoneyso,  iyagoo sheegay iney ku maalgelinayaan mashruucan lacago gaaraya illaa 442 milyan oo dolar.

Bayaankan ay shirkaddu soo saartay oo lagu soo daabacay wakaallada wararka ee ‘Reuters’ ayaa lagu sheegay iney xoogga saarayaan ballaarinta dekedda Berber gaar ahaan qeybta xamuulka oo laga dhigayo meel ay ku soo xiran karaan maraakiibta waaweyn ee xamuulka, qaadka dekedda ee dhanka  badeecadana la kordhinayo.Waxaa kale oo bayaanka lagu xusay in shirkadda DP World ay yeelanayso 65% mashruucan oo ay la wadaageyso maamulka Somaliland.

Baarlamaanka Somaliland ayaa 9 August 2016 ansixiyay heshiiska maalgashiga dedekadda Berbera ee shirkadda DP World, iyadoo saxiixa maanta uu is afgaradkii hore ka dhigayo mid rasmi ah.

Goobjoog News