U bood dhigaalka

Somaliland: Kama Gorgortameyno Maamulka Hawadeenna

Sheeko:Dalka

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in wax wadahadal ah aanay ka galeyn maamulka Hawada maamulkaasi, islamarkaana aysan aqbali doonin in dowladda Federaalka lagu wareejiyo maamulka hawada Soomaliya.

Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Farxaan Aadan Haybe ayaa sheegay in Somaliland tahay dal madax bannaan, islamarkaana haddii dowladda Federaalka lagu wareejiyo maamulk hawad ay dhankooda tallaabooyin adag qaadi doonaan.

Haybe ayaa hoosta ka xarriiqay in ay doonayaan wadahadal in lagu dhameeyo arrimaha ku aadan maamulka hawada, bedalkii dowladda Federaalka loogu wareejin lahaa hawada wadahadal la’aan waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Somaliland waa dal is maamulay, waxaa wadaxaajood ka furan yahay sii loo kala guran lahaa wixii isaga kala daadsan Soomaaliya iyo Soomaaliya, hawada waa ka qeyb, ma jiro xeer jideynaya in lagu wareejiyo Soomaaliya hawada, haddii ay taasi dhacdana tallaabooyinka aan qaadeyno waa ay cadyihiin, cid ay gorgortan kala galeyso ma jirto hawadeedana awood bay u leedahay iney maamusho taasina amni xumo ayeey keenaysaa, waxaan leenahay dowladda Soomaaliya waxani waa wixii shalay lagu baaba’ay ee aan ka wada hadalno arrimahan” ayuu yiri wasiir Haybe.

Somaliland oo ah maamul ka tirsan Soomaaliya, balse sheega in uu yahay dal madax bannaan ayaa dedaal ugu jirta sidii ay qeyb uga maamuli lahaayeen hawada Soomaaliya.

Goobjoog News