U bood dhigaalka

Somaliland: Korjoogayaasha Oo Sheegaya Inay Codeeyeen Caruur, Waayeel La Qalday Iyo Wadani Oo Xarig, Jirdil Iyo Isdaba-marin Ka Sheeganaya

Sheeko:Dalka

Korjoogayaasha  caalamiga ahaa ee doorashada Somaliland ayaa qoraal hor-u-dhac ah oo ay soo saareen waxaa ay guud ahaan ku tilmaameen qaabka ay doorashadu u dhacday mid wanaagsan.

Kooxdan ayaa sidoo kale ku soo bandhigay  qoraalkooda  dal-daloolooyin ka muuqday qaabka doorashadu u socotay, waxaa ay sheegeen in hannaanka wacyigelintu ay aad u liidatay taasina keentay in dad badani garan waayaan goobaha ay codka ka dhiibanayeen.

Korjoogayaasha  caalamiga  waxaa ay qoraaalka ku sheegeen in ka war hayaan carruur aan gaadhin da’da codaynta oo loo ogolaaday inay codeeyaan.

Dhinaca kale, waxaa ay sheegeen sidoo kale sheegeen in qaabkii sirta ahaa ee loogu tallo gallay ama ay ahayd in codeeyuhu u dhiibto codka dibadda la soo dhigay ama la khashifay.

Dadka da’da ah ama waayeelka u badan ee u baahnaa in laga caawiyo cidday u codaynayaan la isweydaariyay meelaha qaarkood. Waxaa ay sheegeen in ay warbixin buuxda soo saari doonaan dhawaan.

Dhinaca kale, Cabdiqaadir Jirde oo u hadlay Xisbiga Wadani ayaa ka cawday in mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga la xiray, qaarna dhaawacyo soo gaareen sida Faadumo Saciid iyo Xamse Kheye iyaga oo intaasi ku daray in xeerkii lagu tuntay sida muraaqibiintooda oo la saaray, handadaad loo geystay dadkii ka wakiilka ahaa xisbigooda iyo meelo uu sheegay ay Barasaabyada galayaan goobaha codadka lagu tiriyo.

Goobjoog News