Somaliland: Loolanka Siyaasadeed ee Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani oo Cirka Isku Shareeray

Loolanka siyaasadeed ee Labada xisbi siyaasadeed ee Kulmiye iyo Waddani ayaa cirka isku shareeray iyadoo labada xisbi ay hawada isku mariyeen erayo kulkul oo mid walbaaba uu doonayo inuu ku soo jiito taageerayaal cusub.

Xisbiga muxaafidka ah ee kulmiye ayaa maalmihii lasoo dhaafay si aad ah u hadal hayay safar uu musharrax C/raxmaan Cirro uu dhawaan ku tagay magaalada Nairobi oo uu kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyagoo dadka ka iibinaya in xisbiga Waddani uu doonayo in uu dib u soo celiyo midnimada Soomaaliya oo dadka lagu baqdin gelinayo iney tahay arrin khatarteeda leh; iyadoo la ogyahay in xisbiga Kulmiye uu ogolaaday in wadahadal lala yeesho dowladda federaalka Soomaaliya,kaas oo ay meel adag ka taagnaayeen  xukuumadihii ka horreeyay Kulmiye ee Somaliland.

Muuse Biixi Cabdi oo maalmo ka hor la hadlay saxaafadda ayaa xisbiga Waddani ku eedeeyay khiyaano qaran ” Waa arrin aan horey u dhicin, xisbi iyo guddoomiye; Somaliland inta ay jirtay wey jireen ashkhaas siyaasi ah oo iskood u shaqo taga oo hadana dib u soo noqda oo hadaba qaar joogaan ay hoggaaminayaan hadana Waddani, laakiin guddoomiye xisbi iyo guddigii fulinta oo labo iyo tobon ah oo shir la gala Koonfur oo waliba ka hadla waan midoobeynaa oo waliba si dhuumosho ah u gala oo maanta cidwaliba hayso, waa dhiillo kusoo korodhay jirintaanka Somaliland oo qaranka oo dhani u baahan yahay in arrintaa si qarannimo leh loo eego, guddoomiyaha Waddani oo ah guddoomiyaha baarlamaanka ka socon meyso waa sawirro la isku geegeeyay, kulmiye jaraa’idka Star masoo saaro Nairobina jaraa’id iyo xarun kuma lihin, Somaliland khiyaano kasta oo loo galo Illaahay baa fashila, waana niyad wanaagga iyo halganka ummadda Somaliland”.

Waxa uu Musharrax Muuse biixi uu iska fogeeayay mas’uuliyiinta xisbiga Waddani ee dhaawacyada kala duwan loo geystay gudaha Somaliland, waxa uuna yiri; “Waxaanu ka xunnahay dadka muwaadiniinta ah ee waliba mas’uuliyiinta xisbiga Waddani ah ee wax la yeeleeyay aadbaan uga xunnahay, laakiin guddoomiyaha Waddani waxa uu isla soo taagay Kulmiyaa ka dambeeya caddeyn maxkamadeed ayaa laga rabaa”.

xisbiga-waddani

Dhanka kale, musharraxa madaxweyne ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa iska fogeeyay eedeymaha uu saxaafadda u soo mariyay guddoomiyaha xisbiga Kulmiye isagoo ku tilmaamay in uu qabqable dagaal yahay kuna hanjabayo inuu dadka aakhiro u dirayo:

“Dad ay qoyan yihiin hagardaamadii iyo dhibaatadii ay dadka u geysteen oo ay muuqdaan xabaalihii shacabkii la gumaaday oo kheyriyadda Hargeysa ka  lahaa anigoo wax dili kara duco qaadan maayo, waa la ogyahay, waxaa ayaan darro ah  iney dad maanta ku eedeeyaan maxkamad hala soo taago, haddii maxkamad cid lasoo taagayo kuwa dadka laayay hala soo taago, Muuse jidgooyada uu u galay madaxweynaha Somaliland cidwalbaa way ogtahay, walaalayaal Muuse dadka waxa uu leeyahay aakhiro ayaan u dirayaa, waxaa halkan jooga howlwadeenadii xisbiga ee dhaawaca loo geystay ee la doonayo in la bajiyo, markaa waxaan is leeyahay ninbaa nin la kulmay oo geynaya Xamar waxaa ka daran kan aakhiro u diraya ee leh dadka hala laayo”.

Waxa uu ka hadlay guddoomiye Cirro safarkiisa hadda la siyaasadeynayo inaanuu ahayn mid siyaasadeed laakiin uu ahaa safar gurmad Somaliland loogu radinayay abaaraha gobollada bariga Somaliland, waxa uuna yiri;

“Safarkayagaasi waxa uu ahaa safar gurmad Somaliland ah oo aan waxba ku badhxaneyn, raggii meesha marayay rag Somaliland looga shakinayo maaha, waxaan qabaa ummadda ayaan la marin habaabinin, waa la tartamayaa sheekooyinkii barigii hore socon maayaan, garoon xaadhan baanu rabnaa inaan ku tartanno. Waxaan leeyahay Muuse taariikhdaaduna way caddahay tayduna way cadahay, dalkanna badbaadadiisa ayaanu dooneynaa”.

Si kastaba, dagaalkan sii xoogeysanaya ee hadda ay muuqato in uu gacan ka hadal marayo oo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta xisbiga Waddani lagu dhibaateeyay ayaa u muuqda mid maalmaha soo aaddan sii xoogeysanaya. Iyadoo ay jirto in doorashada madaxtooyada Somaliland ay ka harsan tahay muddo 86 maalmood oo qura.

W/D: Khadar Xuseen

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW