U bood dhigaalka

Somaliland: Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ku Dhawaaqay Saddex Sanduuq Oo Horumarinta Dhallinyarada Ah

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in ay sameeyeen Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada  kaasi oo hadda ay ku shubeen lacag dhan Labo bilyan iyo badh (2.5 Bilyan/SL.SH) oo shilinka Somaliland ah.

Madaxweyne Biixi ayaa hadalkan ka sheegay xuska maalinta dhallinyarada Somaliland oo sanad walba 20 bisha febraayo laga xuso Somalailand.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay in ay sameeyeen Sanduuqa Horumarinta Waxbarashada Somaliland isagoo xusay in dhawaan ardayda dugsiyada dawladdu ay heli doonaan agabka waxabarashada gaar ahaan buugaagta oo bilaasha ah.

“Waxaannu garannay in ardayda ku jirta iskuullada dawladda ee public-ga ah ilmo kasta oo ku jira standard one ilaa uu galaaska siddeedaad ka baxayo, arday weliba uu helo buugaagta waxbarashada oo bilaash ah…” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi

Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in ay sameeyeen sanduuq loogu talo-galay in dhallinyarada loogu sameeyo shaqo qaran kaasi oo isna lagu shubay lacag, taasi oo loogu talo-galay u diyaarinta dhallinayrada shaqo qaran.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Somaliland ayaa dhallinyarada Somaliland uga baaqay inay ka fogaadaan qabyaaladda iyo qaadka.