U bood dhigaalka

Somaliland: Milyan Iyo Bar Qof Ayaa u Baahan Gargaar Degdeg Ah

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha hay’adda u diyaar-garowga aafooyinka iyo keydka raashinka Somaliland, Faysal Cali Sheekh ayaa sheegay in hal milyan iyo shan boqol oo kun oo qof (1,500,000) ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah.

Faysal Cali Sheekh oo xaaladda guud oo Somaliland ka hadlayey waxaa uu leeyahay “ Dhulka loo yaqaano Nugaal-Laascanaood, Xudur ilaa Taleex, Ceel-afweyn, Gar-adag-dhulkaas waxaa uu jiraa culeys siyaado ah, Hawdka oo bilaabmaya Faraweyne oo Hargeisa ah ilamaa Saaxdheer oo Sool ah, dhulkaas oomanaha ah waxaa uu galay culesy darajada 3aad, bariga Golis iyo galbeedka iyadana waxaa ay jiraa xaaladda 2aad, Gabanka dhulka loo yaqaano xeebaha waxaa uu galay xaalad degdeg ah, dhulka xoolo dhaqatada Togdheer sida Burco iyo Oodweyne waxa ay galeen xaalad adag,  Mardoodi-jeex, Gabiley iyo Awdal oo ah dhul xoolo dhaqato, beeraley waxaa ay ku jiraan xaalad adag”.

Sanadkii la soo dhaafay waxaa uu sheegay inuu wax soosaarka aad u yaraa, isaga oo abaaro, dufaanno iyo arrimo kale u sababeeyyey waxyaabaha culeyska keenay.

Goobjoog News