U bood dhigaalka

Somaliland: Muuse Biixi Oo Magacaabay Qaar Ka Mid Ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa goor-dhow magacaabay qaar ka tirsan guddoomiyeyaasha degmooyinka Somaliland.

Wareegto uu soo saaray, oo Saxaafaddu aragtay, waxaa ay u qorneed:

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey:

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:

Tir Magaca Xilka:

  1. Maxamed Axmed Caalin Yuusuf (Tiimbaro) Guddoomiyaha Gobolka Sanaag
  2. Xamse Maxamed Cabdi Axmed Guddoomiyaha Gobolka Togdheer
  3. Jaamac Xaaji Axmed Cabdi Muuse Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex
  4. Cabdiraxmaan Axmed Cali Muuse Guddoomiyaha Gobolka Awdal
  5. Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax Guddoomiyaha Gobolka Gabiley
  6. Yaasiin Maxamed Shide Ibraahim Guddoomiyaha Gobolka Hawd
  7. Axmed Maxamed Xaashi Ducaale Guddoomiyaha Gobolka Saraar
  8. Mawliid Maxamed Nuur Warsame Guddoomiyaha Gobolka Salal
  9. Maxamuud Warsame Jaamac Cali Afhayeenka Madaxweynaha
  10. Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Maxamuud La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada
  11. Khadar Sh. Cabdillaahi Sh. Cali Jawhar Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka

Gobollada Saaxil, Sool, Badhan, Daadmadheed, Buuhoodle iyo Xaysimo waxa xilka guddoomiyenimo sii ahaanaya Guddoomiyeyaasha hadda xilka haya.

Masuuliyiinta xilka wareejinaya waxaan uga mahad-celinayaa sidii xil-kasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii Qaran muddadii ay xilka Qaranka hayeen.

ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland