Somaliland: Muuse Biixi Oo Magacaabay Qaar Ka Mid Ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa goor-dhow magacaabay qaar ka tirsan guddoomiyeyaasha degmooyinka Somaliland.
Wareegto uu soo saaray, oo Saxaafaddu aragtay, waxaa ay u qorneed:
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;
Waxaan Go’aamiyey:
In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:
Tir Magaca Xilka:
- Maxamed Axmed Caalin Yuusuf (Tiimbaro) Guddoomiyaha Gobolka Sanaag
- Xamse Maxamed Cabdi Axmed Guddoomiyaha Gobolka Togdheer
- Jaamac Xaaji Axmed Cabdi Muuse Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex
- Cabdiraxmaan Axmed Cali Muuse Guddoomiyaha Gobolka Awdal
- Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax Guddoomiyaha Gobolka Gabiley
- Yaasiin Maxamed Shide Ibraahim Guddoomiyaha Gobolka Hawd
- Axmed Maxamed Xaashi Ducaale Guddoomiyaha Gobolka Saraar
- Mawliid Maxamed Nuur Warsame Guddoomiyaha Gobolka Salal
- Maxamuud Warsame Jaamac Cali Afhayeenka Madaxweynaha
- Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Maxamuud La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada
- Khadar Sh. Cabdillaahi Sh. Cali Jawhar Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka
Gobollada Saaxil, Sool, Badhan, Daadmadheed, Buuhoodle iyo Xaysimo waxa xilka guddoomiyenimo sii ahaanaya Guddoomiyeyaasha hadda xilka haya.
Masuuliyiinta xilka wareejinaya waxaan uga mahad-celinayaa sidii xil-kasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii Qaran muddadii ay xilka Qaranka hayeen.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland