U bood dhigaalka

Somaliland Oo Baaq Nabadeed u Dirtay Beellaha Ku Dagaallamaya Gobolka Sool

Sheeko:Dalka

Maamulka Somaliland ayaa ugu baaqay beelaha ku dagaallamaya deegaanno ka mid ah gobolka Sool in ay nabadda qaataan, islamarkaana miiska wada hadalka lagu dhameeyo wax walbo oo la kala tabanayo.

Wasiiru dowlaha Horumarinta iyo nabadeynta gobollada Bariga Somaliland C/rashiid Xuseen Carab Gargaar oo gaaray magaalada Laascaanood ayaa sheegay in halkaasi u tageen sidii lagu nabadeyn lahaa beelaha ku daggaalamay Koonfurta Gobolka Sool.

Odayaasha dhaqanka ayuu sheegay inay kala shaqeyn doonaan sidii loo dhameyn lahaa dagaallada socda iyo heshiis la kala dhex dhigo beellaha dagaallamaya.

Waxa uu tilmaamay in Odayaasha dhaqanka beelaha dagaallamaya ay qudhoodu sameeyeen dadaal nabadeed ah in xabadda hakato, si loo galo wada hadal.

Beello wada deggan deegaanka Dharkeyn ee koonfurta gobolka Sool waxaa ka dhacay dagaal beeleed sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, balse waxaa socda dadaal lagu doonayo in dagaalkan lagu dhameeyo.

Goobjoog News