U bood dhigaalka

Somaliland oo BBC ka mamnuucaday deegaanadeeda

Sheeko:Amniga

Somaliland ayaa ku dhawaaqday in gebi ahaan deegaanadeeda ay ka mamnuucday Warbaahinta BBC-da, iyadoo ku eedeysay in aysan ahayn warbaahin dhexdhexaad ah.

Wasiirka warfaafinta Somaliland oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in BBC ay ku fashilantay in ay ilaaliso xiriirkeedii kala dhaxeeyay Somaliland sida uu hadalka u dhigay.

“BBC waxa ay aqoonsan wayday in ay Somaliland tahay dal dimoraaddi ah, oo doorashooyin leh, oo shan madaxweyne ay isku baddaleen, oo saddex gole baarlamaan ay isku baddaleen, illa iyo hadda erayada ay u isticmaasho waxa ay noqdeen kuwa aan u qalmin in ay dhegaha umadda reer Somaliland ay maqasho, waxa ay lumisay dhaqankii iyo taariikhdii ka dhaxeeyay umadda reer Somaliland iyo BBC-da” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Somaliland.

“Laga bilaabo maanta oo ah 19-ka bishii 7-aad 2022, waxaan go’aamiyay in dhamaan wax allaala wixii shaqo ah oo ay BBC-da Somaliland ay ka heysay in la joojiyo,” ayuu intaas hadalkiisa ku sii daray.

Goobjoog News