U bood dhigaalka

Somaliland oo beenisay in ay ka qayb gashay shir ay soo qaban qaabisay Isreal

Sheeko:Amniga

Xukuumadda Somaliland ayaa meesha ka saartay warbixin uu daabacay wargeyska The Times of Israel oo sheegayay in wasiirka gaashaandhigga Somaliland uu ka qayb galay shir lagaga hadlayay xidhiidhka Afrika iyo Israa’iil oo ka dhacay dalka Faransiiska.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland, ayaa lagu beeniyay war lagu daabacay Wargeyska Times of Israel oo 9-kii bishan July ku sheegay in Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye uu ka qayb-galay shir ay soo qaban-qaabisay safaaradda Israa’iil ee dalka Faransiiska bishii May.

“War aan sal iyo raad toona lahayn ayaa lagu daabacay wargeyska The Times of Israel oo sheegaya in wasiirka gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland uu ka qayb galay shir lagaga hadlayey iskaashiga u dhexeeya Israa’iil iyo dalalka Afrika, taas oo ah been cad,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka wasaaraddu ay soo saartay. .

Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland, waxa kale oo ay sheegtay in Wasiir Caateeye uu ka mid ahaa guddida qabanqaabada munaasibadda 18-ka May, isla markaana aanay suurtogal ahayn in uu isla wakhtigaas ka qayb galo shirka ay soo qaban qaabisay safaaradda Israa’iil.

Somaliland iyo Israa’iil ma laha xidhiidh diblamaasiyadeed, hase yeeshee, wargeys ka soo baxa Israa’iil ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, uu dhawaan madaxda Maraykanka u sheegay in uu is-hortaag ku samaynayo Israa’iil, balse aanu wax jawaab ah ka bixin.

Goobjoog News