U bood dhigaalka

Somaliland Oo Billowday Dadaallo Lagu Xalinayo Dagaallada Gobolka Sool

Sheeko:Dalka

Maamulka Somaliland ayaa billaabay dadaallo la doonayo in lagu xalliyo colaadda ka jirta gobolka Sool, gaar ahaan deegaanno ku dhaw degmada Laascaanood ee gobolkaasi.

Magaallada Laascaanood waxaa gaaray xubno ka mid ah wasiirada maamulka Somaliland oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha ee maamulkaasi Cali Maxamed Waran-cadde kuwaasi oo kulamo la leh waxgaradka beelaha dagaallamaya.

Wasiir Waran Cadde oo sxaafadda la hadlay ayaa sheegay in marnaba aanay gacmaha ka laaban doonin colaadda gobolka Sool, wuxuuna sheegay in wax walbo la xallin doono.

“Annaga uma dul qaadanyeno in la dhibaateeyo shacabkeenna, walibana dhiiggooda la daadiyo, waxaan ku dadaaleynaa sidii aan nabad ku kala dhex dhigi lahayn beelaha dagaallamaya” ayuu yiri wasiirka.

Dagaallo dhiig badan ku daatay ayaa maalmahan dambe ka dhacayey deegaanno ka mid ah gobolka Sool, waxaana dagaalkaasi u dhaxeeyaa beello walaalo ah oo halkaasi wada deggan.

Goobjoog News