U bood dhigaalka

Somaliland Oo Bilowday Imtixaanka Shahaadiga ah

Sheeko:Dalka

Ku dhawaad 28 kun oo arday ayaa maanta Imtixaanka shahaadiga ah u fariistay iskuullada dhexe iyo sare ee maamulka Soomaaliland sanadkaan 2016-2017.

Madaxa guddiga Imtixaanaadka maamulka Soomaaliland Daa’uud Axmed Faarax ayaa sheegay in sanadkaan Imtixaanka shahaadiga ah ay u fariisan doonaan arday gaareysa  illaa 28 kun oo arday oo is kugu jira dugsiyada dhexe iyo sare.

“Waxaa bilaabmaya imtixaankii shahaadiga ahaa ee Somaliland, tirada ardayda u fadhiisaneysa dugsiyada dhex waxa weeyaan 17 kun oo arday, iyo dugsiga sare oo ah 11 kun oo arday, runtiina dalka ka wada bilaabmaya min koone illaa koone, runtii imikana si fiican ayaa goobihii imtixaanku u wada gaaray, waxaanan rajeynaynaa inuu sidaa inoogu soo dhamaado haddii uu Alle idmo”.

Madaxa guddiga Imtixaanaadka ee Soomaaliland Daa’uud  Axmed Faarax ayaa waxa uu sheegay in sanadkaan la adkeeyay tayada Imtixaanka, isaga oo hoosta ka xaiiqay in dhammaan waxyaabaha keeni kara qishka laga mamnuucay ardeyda in ay fasallada ay laga laan.

Imtixaanka shahaadiga ah ee maanta ka bilowday Soomaaliland ayaa waxa uu maamulka uu u asteeyay in lagu qaado lix iyo toban goobood, kuwaas oo ammaankooda la adkeeyay si uu san u bixin qish iyo wax walba oo keenaya caawimaad.