U bood dhigaalka

Somaliland oo Cafis u fidisay Cid Kasta oo ka Tanaasusha Mabda’a Midnimada Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Wasiirka warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdulaahi Saxardiid  ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland uu cafis u fidiyey qof kasta oo ka soo jeeda deegaanada Somaliland ee raba inuu ka soo tanaasulo mabda’iisa Soomaaliwenimo .

Wasiirka oo xarunta wasaarada kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay Somaliland soo dhaweyanso qof kasta oo ka mid ah siyaasiiin iyo odayaal dhaqameedka  ka soo jeeda Somaliland oo dhawaan Muqdisho ka sheegay inay saluugsan yihiin saamiga aqalka sare ee Soomaaliya laga siiyey deegaanada Somaliland “ Madaxweynuhu waxa uu cafiyey siyaasiyiinta joogta Soomaaliya ee maanta ogaatay inaanay Soomaaliya waxba u oollin  waxaanu leennahay dalkiinii ayaa niyad wanaagsan iyo soo dhaweynba la idinkaga diyaar yahay “.

Wasiirkan warfaafintu waxa kale oo uu sheegay inay Somaliland diyaar u tahay cid kasta oo Somaliland ka soo jeedda oo ka biyo diiddan siyaasadda Soomaaliya, waxaanuu intaa raaciyay inay gacan ka siinayaan imaatinkooda Somaliland; “ Waxaanu siinaynaa oo aanu diyaar u nahay haddii ay u baahdaa waxii taakulayn ah sida baabuur iyo diyaarad “ ayuu yiri wasiirka .

Dhinaca kale wasiirka ayaa waxa uu ka jawaabay hadal dhawaan ka soo yeeray hanti dhawraha guud ee Soomaaliya  Dr Nuur Jimcaale Faarax oo sheegay in heshiiska Somaliland iyo shirkadda DPworld uu yahay khiyamo laga galay  hantida ay umadda Soomaaliyeed leedahay, isagoo shegay  in heshiiska ay ku qorantahay, %10 ay dakhliga ka soo xarooda dekadda ay Somaliland yeelanayso halka %90 ay shirkaddu  qaadanayso, waxaanuu yir, waa faragelin ay Soomaaliya ku samanayso arrimahaha Somaliland u gaar ah,  “ Hanti dhawre , madaxweyne , iyo xeer ilaaliye Soomaaliya  ka tirsan toona uma taallo arrinta Somaliland , dekadda Berbera waxay ku taallaa Somaliland , dekaddaha Berbera, Maydh , Laasqoray iyo mid kale oo Somaliland ku talla kama hadli karaan , hadii ay ka hadlaanna waa arrin aan sax ahayn”, ayuu wasiir warfaafinta Somaliland kaga jawaabay  hadalka hanti dhawraha guud ee Soomaaliya. Wasiirku waxa uu sharaxay faa’iidada Somaliland ka soo gelaya  heshiiskan dekedda, “ sannadkasta Somaliland shan Milllion ayey ka helaysaa shirkadda “ ayuu wasiirkani yiri.

Odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Somaliland ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho ka sheegay iney ka soo horjeeda qodobadii shirka madasha oo ay ku tilmaameen cadaalad darro in lagu sameeyay.

Goobjoog News