U bood dhigaalka

Somaliland Oo Ciidamo Ku Daadisay Waddooyinka Hargeysa

Sheeko:Amniga

Ciidamo fara badan oo ka tirsan laamaha ammaanka Somaliland ayaa saaka lagu soo daadiyay waddooyinka waawayn ee magaalada Hargeysa, kadib markii ay hoggaanka xisbiyada Mucaaradka ah ay ku adkeysteen in ay qabanayaan banaanbax ka dhan ah xukuumadda Muuse Biixi.

Mas’uuliyiinta xisbiyada WADANI iyo UCID ayaa sheegay in dastuurka uu dadka u fasaxayo in ay qabsadaan isusoobax nabdoon oo dareenkooda ay ku muujinayaan, ciidamadana aysan ka aqbali doonin ay hor istaagaan banaanbaxa.

Dhinaca kale musharaxa xisbiga WADANI Cabdiraxmaan Ciro ayaa cambaareyay xarig ciidamada Somaliland ay u gaysteen mulkiilaha maqaaxi uu khudbad ka jeediyay.

“Waxa ayaan darro ah in xorriyadiisa laga qaado oo xabsiga loo taxaabo Mudane Axmed Sayid Haybe Nuur oo ah Mulkiilaha meheradda SIMA ee aan caawa shaah ka cabnay anniga iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI iyo saraakiil sare oo Xisbiga rejada Shacabka ka tirsan. Dabeysha Isbeddelka Shacabku hoggaaminayo ee doorasho doonka ahi kuma joogsaneyso xadhigga muwaadinka meheraddiisa aanu caawa shaaha iyo sheekada kula wadaagnay dadweynaha caasimadda deggan ee doonistooda iyo dareenkoodaba” ayuu yiri Cirro.

Goobjoog News