U bood dhigaalka

Somaliland Oo Doonaysa In Ay Ka Hortagto Jabhad uu Sameeyay Sarkaal Ka Goostay

Sheeko:Amniga

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in sarkaal ka tirsan ciidankeeda uu abaabul jabhadeed ka wado gobolka Sanaag, gaar ahaan deegaan 15 KM u jira degmada Qardho ee Puntland.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Ciise Axmed Xawar ayaa sheegay in Col. Siciid Cawil Jaamac (Caarre) oo ka tirsanaa ciidanka Millatariga Somaliand uu isagu hawshan ku mashquulsan yahay.

“Caarre waa nin ka tirsan ciidanka Somaliland weliba nin aanu ogsoonnahay maaha, waxaad la socotaan in muddo dhawr bilood ah abaabul jabhadeed ka buurayey gobolka Sanaag haddana waxaa uu ku sugan yahay bariga meel u jirta 15KM magaalada Qardho tuula yaroo la dhaho Higlo” ayuu yidhi wasiirka gaashaandhigga Somaliland.

Wasiir Ciise Axmed Xawar waxa kale oo uu sheegay in haddii uu waan-waan ku joojin waayo waxaa uu wado taliyaha ka goostay ciidankooda ay tallaabada ku habboon kaa qaadi doonaan.

“Laba waxba waa muhiim, xal iyo waan-waan in lagu eego haddii taa laga waayo khasab waxa ku ah ciidanka iyo dawlad ahaanba in tallaabada ugu muhiimsan ama ugu munaasibsan sidii loogu soo afjari lahaa hawl nagu sii dheeranaysana runtii maaha..” .

Dhinaca kale, Wasiir Xawar ayaa sheegay in Taliyaha iyo jabhaddiisuba ay dabada ku hayaan dhanka maamulka Puntland isagoo yiri “Puntland buu hadda dabada la galay waad ogtihiin meesha uu joogo magaalada Qardho meel waxyar u jirta weeye..”

Taliyaha ka goostay ciidanka Somaliland ee jabhadda kaga dhawaaqay gobolka Sanaag ayaa horey u ahaa abaandulihii ciidanka millatariga Somaliland ee gobolkaasi, hase ahaatee Col. Caarre ayaa ka carooday arrimo la xiriira xiisaddii dagaal-beeleedka degmada Ceel-afwayn – sida uu sheegay wasiirka gaashaandhiga Somaliland Ciise Xawar.

Waraysi lagu baahiyay baraha bulshada ee Internet-ka ayuu Col. Caarre ku sheegay in hawsha uu gobolka Sanaag ka wado ay tahay dib u xoreynta Somaliland.

Taliye Caarre ayaa sheegay in uu saluugay nidaamka dawladeed ee hadda ka jira Somaliland, isla markaana uu doonayo in uu dib u xorayn ka bilaabo Somaliland.

“Maadaama aanay dawladnimo ka jirin meeshii iyo sharci  cadhada aan ku tagay taas ayay ahayd anigu imika waxaan joogaa Puntland waxaanan waydiistay saldhig halkaas ayaana ciidamo ku dhisan doonaa” sidaas waxaa yiri taliyaha goostay Col. Caarre

Goobjoog News