U bood dhigaalka

Somaliland oo Faahfaahin Ka Bixisay Dagaalka Dib Uga Qarxay Laascaanood

Sheeko:Amniga

Somaliland ayaa faahfaahin ka bixisay dagaal saakay markale dib uga qarxay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo dhexeeya ciidamada Milatariga Somaliland iyo xoogagga deegaanka ee SSC la magac baxay, sida lagu xusay qoraal kasoo baxay waasaradda arrimaha gudaha.

“Kooxaha huwanta ah ee ku sugan magaalada Laascaanood ee ka kooban argagixiso, nabad-diid iyo Puntland ayaa maanta oo taariikhdu tahay 06/03/2023 weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan agagaarka magaalada Laascaanood,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hadalka kasoo baxay Somalailand ayaa kusoo aadaya xilli dhinacyada dagaalamaya cid waliba cidda kale ay ku eedeenayso dagaalka in ay soo qaaday, magaalada Laascaanood ayaa degaanaan laga dareemayay 48-kii saac ee lasoo dhaafay, iyadoo ay jirtay dhinacyadu ay wadeen hub uruursi iyo gurmadyo kale duwan.

Dowlad goboleedka Puntland ayaa dhowr jeer oo hore sheegtay in ciidankeeda aysan qeyb ka aheyd dagaalka ka dhacaya magaalada Laascaanood,iyadoo ay xusid mudan tahay in ciidamada Puntland iyo Somaliland dhowr jeer ay ku dagaalameen deegaanka Tukaraq oo ay muddo isku horfadhiyeen labada ciidan.

Goobjoog News