U bood dhigaalka

Somaliland oo Faahfaahisay Sababta BBC-da Looga Mamnuucay Deegaannadeeda

Sheeko:Amniga

Wasiirka warfaafinta Somaliland Suleemaan  Yuusuf Cali Koore ayaa qoraal uu soo saaray waxaa  faahin looga bixiyay sababta deegaannada Somaliland looga mamnuucay ka dhageysiga laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, wasiirka ayaa sheegay in arrintaas ay la xariirto, hadal kasoo baxay madaxa laanta afka Soomaaliga ee BBC-da Muxyadiin Rooble.

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in Somaliland BBC-da 11-kii July2022 ay wasaaradda warfaafinta usoo qortay codsi ku aadan in munaasabadda xuska sanad guuradii 65-aad lagu maqbo magaalada Hargeysa ee Somaliland, wasiirka ayaa intaas ku daray in Muxyadiin Rooble oo sheegay in amniga Somalilan aan la isku haleyn karin taasna ay keentay in ay baajiyaan.

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in hadalka kasoo yeeray madaxa BBC-da ay meel ka dhac ku tahay amniga Somaliland, waxaana sidoo kale wasiirka uu BBC-da ku eedeeyay in ay dhexdhexaad ka aheyn qadyadda Somaliland iyo siyaasadaha kaga xiran Soomaaliya oo ay sheegtay in 1991-kii ay ka go’aday, kadib midowgii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur July 1960-kii.

Goobjoog News