U bood dhigaalka

Somaliland oo Hadashay Hadal Ka Soo Yeeray Dowladda Shiinaha

Sheeko:Amniga

Somaliland ayaa si kulul uga hadashay hadal ka soo baxay dowladda Shiinaha, kaas oo loogu baaqay dowladda Twain in aysan xiriir la yeelan Somaliland, loona baahan yahay in ay dhowrto madaxbannaanida iyo dhulka  Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xaaji ( Faratoon) oo hadal kooban la wadaagay warbaahinta ayaa sheegay in hadalka kasoo baxay Shiinaha uusan wax saamayn ah u yeelan doonin xiriirka ay la yeesheen wadanka Twain, xiriirka ay la yeesheen uu muddo soo socday oo laga soo shaqeynayey sida uu sheegay.

“Shiinaha uma aragno in uu culeys yeelanayo, innagana Soomaaliya ayaa tidhaahda annagaa leh, iyana shiinaha ayaa dhaha anaa leh, lakiin labadayaduba waan madax bannaan nahay, namana quseyso”. ayuu yiri wasiir Faratoon.

Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Qin Jian oo Muqdisho kula kulamay madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lawadaagay in Shiinaha ay diyaar u tahay in ay dhowrto qaranimada iyo madaxbannaanida dhulka Soomaaliya, si loo xoojiyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeyo labada dowladood.

Hadalka kasoo baxay Somaliland ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo dowladda Shiinaha ay dowladda Twain ku eedeysay in ay ku xad gudubtay qaranimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya iyadoo loogu baaqay in ay joojiso xirirka ay la samaysay Somaliland, kaas oo  aysan ogeyn dowladda caalamka aqoonsan yahay ee Soomaaliya.

Goobjoog News