U bood dhigaalka

Somaliland Oo Ka Digtay In Dad Matalaya Maamulkooda Ay Ka Qeyb Galaan Doorashada Soomaaliya ee 2016-ka

Sheeko:Dalka

Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa sheegay in ay jiraan qodobo lagu soo farageliyay madaxbanaanida Somaliland oo ku jiray qodobadii ka soo baxay shirka madasha wadatashiga qaran ee Muqdisho.

Cusmaan Cabadulahi Saxardiid Cadaani oo shir jaraa’id Hargeisa ku qabtay waxaa uu sheegay in Somaliland ay u caddeneyso qaramada midoobey, midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD iyo Mareykanka :

In aanu jirin midnimada Soomaaliya oo Somaliland ay qeyb ka tahay.

aanay jirin xubno ka socda Somaliland oo ka qeyb qaadan doono isbadalka ka dhacaya Soomaaliya.

Dhinaca kale, Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa warqad ay soo saartay uga digtay xubnaha ka soo jeeda Somaliland in ay wax ku darsadaan arrimaha ka socda Soomaaliya.