U bood dhigaalka

Somaliland oo ka Hortimid Barnaamijka Baxnaano Ee Villa Somalia.

Sheeko:Amniga

Somaliland ayaa maanta ka hortimid barnaamijka baxnaano oo dhawaan madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka furay Muqdisho,
Barnaamij Baxnaano ayay sheegtay dowladda Soomaaliya in lagu taakulaynayo dadka danta yar ee Soomaaliyeed ee ku nool gudaha Dalka oo ay wajigiisa 1-aad ka faa’iideysan doonaan 1.3 milyan qof.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in Baraamijka Baxnaano uu qeyb ka mid ah ka fulaayo deegaannada ka tirsan Somaliland.

Soomaaliland  ayaa ku tilmaamay Baxnaano mid xad gudub ku ah, waxayna sheegtay in uu faragelin qaawan iyo waxyeelo amni uu ku yahay Somalailand, wasaaradda ayaa intaas ku dartay inuu yahay barnaamij lagu marin habaabinayo beesha caalamka.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Banka Adduunka uu ka fiirsado deeqda uu siinayo Soomaaliya kaas oo ay Soomaaliland ku sheegtay qoraalkeeda in  loo adeegsado dano gaar ah iyo kuwo siyaasadeed oo lagu qalqal gelinayo amniga iyo xasiloonida ka jirta Soomaaliland.

Ugu dambeyn wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa digniin u dirtay cid kasta oo isku dayda ama  lug ku yeelata fulinta mashruucaan, oo ay sheegtay inuu ka hor imaanayo madax bannaanideeda iyo qaranimadeeda sida lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland dowladda iskeed isku magacowday.

                                                                                              Halkaan Ka Akhriso

 

Goobjoog News