U bood dhigaalka

Somaliland oo Laga Fuliynayo Qalliinkii Ugu Horreeyay ee Dhanka Wadnaha ah

Sheeko:Caafimaadka

Somaliland ayaa laga fulinayaa qalliinkii ugu horreeyay ee dhanka wadnaha ah kaas oo lagu sameyndoono ilma yar oo 5 sano jir ah.

Qalliinkan oo la filayo inuu noqdo mid lagu guuleysto ayaa waxaa fulinaya cisbitaalka Dr. Maxamed Sheekh, isagoo noqonaya mid lagaga maarmi doono qalliinada noocan oo kale ah oo markii hore dibadaha loo doonan jiray.

Qabalkan casiriga ah ee qalliinka wadnaha lagu filinayo ayaa waxaa cisbitaalka Dr. Maxamed Aadan Sheekh ugu deeqay dad samafalayaal ah oo ka qeybqaatay lacago in muddo ah loo uruurinayay si mar un Somaliland loo soo gaarsiiyo qalabkan muhiimka ah ee qalliinka wadnaha lagu fulinayo.

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo maalintii shalay cusbitaalka gaaray ayaa waxa uu ammaaney dhakhaatiirta u bareertay iney qalliinka noocan oo kale ah fuliso, isagoo Alle uga baryay caafimaad ilmaha yar ee qalliinka lagu sameynayo.

Agaasimaha cusbitaalka qalliinkan fulinaya Dr.Khadra Jaamac ayaa tiri: “Dalku in uu yeesho qalab u gaar ah oo lagaga maarmo dalalka dibadda iyo dalalka shisheeye oo aaney shacbiga intooda badan awoodin. Waxaa la qabtay kulamo qaadhaan lagu aruurinayo sidii loo keeni lahaa qalabkan”.

Si kastaba, qalliinka noocan ah ee dhanka wadnaha ah ayaa ah mid faa’ido badan u leh bulshada oo intooda badani qalliinada noocan oo kale ah ay ku cusleyd iney dibadaha u doontaan.

Goobjoog News