U bood dhigaalka

Somaliland Oo Laga Furay Warshaddii Ugu Horreysay Oo Soosaareysa Hilibka Digaagga

Sheeko:Dalka

Somaliland ayaa markii ugu horreysay waxaa laga hirgaliyey warshad soo saarta hilibka Digaagga ka dib markii ay soo bateen dadka Isticmaala cunista digaagga.

Warshaddan ayaa waxaa laga hirgaliyey meel 30-KM kaga beegan Koofurta magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Warshadda ayaa waxaa ku dhex sugan kumanaan digaag ah kuwaasi oo dhammaantood loogu talo galay in laga ganacsado hilibkooda.

Digaaggan ayaa ah mid si dhaqso ah u koray waxayna quutaan nuucyada kala duwan ee Haruurka “Masagada”, kaasi oo laga keenay dalka Yeman.

Waa markii ugu horreysay oo gudaha Somaliland laga furo warshad soo-saarta hilibka digaagga, halka markii hore laga keeni jiray dibadda.

Cunitaanka hilibka digaagga ayaa maalmihii dambe ku soo badanayey deegaannada Somaliland waxayna arrintaasi keentay in Somaliland laga hirgaliyo beer lagu xanaaneeyo digaagga iyo warshad soo-saarta hilibka.

Digaaggan ayaa dhammaantood leh hal midab kaasi oo ah Caddaanka, waxaana digaaggan asal ahaan laga keenay dalka Yeman .

Dhaqaatiir iskugu jirta Soomaali iyo Yemaniyiin ayaa ilaaliya badqabka caafimaad ee digaaggan Maxamuud Cumar Bullaale oo ka mid ah Milkiilayaasha warshaddan ayaa ka hadlay ujeedada loo furay warshaddan.

“Ujeedada aan u bilownay waxaa waaye dadka dadka dhiig karka qaba ayaa hilib u dooneynaa annagana waan ka faa’ideynaa shaqo abuurna waa ay noqoneysaa”.

Ku dhowaad 40-maalmood markay joogaan ayaa la geynaa digaagga kawaanka si loo gowraco kuna yaallo isla goobta lagu xanaaneeyo.

Goobjoog News