U bood dhigaalka

Somaliland Oo Laga Musaafurinayo Dadka Itoobiyaanka Ah

Sheeko:Dalka

Magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland ayaa laga billaabay howlgal ballaaran oo lagu musaafurinayo dadka Itoobiyaanka ah ee halkaasi ku nool.

Wareegto kasoo baxday Xukuumadda Siilaanyo ayaa lagu sheegay in guud ahaan deegaannada uu ka taliyo maamulka Somaliland laga musaafurinayo dadka u dhashay Itoobiya.

Dadkaan ayaa lagu qaadayaa gaadiidka xamuulka ah, waxaana la geynayaa wadanka ay u dhasheen maadaama uu dhamaaday waqtigii loo qabtay in ay deegaanadaasi isaga baxaan.

In dadka u dhashay dalka Itoobiya laga masaafuriyo deegaannada maamulka Somaliland ayaa sabab looga dhigay kadib markii maalmahan dambe deegaanadaasi laga hadal hayay in dadka kasoo jeeda qowmiyadda Oromada ay dad qalasho ka billaabeen halkaasi.

Somaliland ayaa sidaan oo kale dhowr jeer waxay u musaafurisay dadka kasoo jeeda dalka Itoobiya ee sida sharci darrada ah halkaasi ugu sugan, xilli aanay jirin kahor tag ah in sharci darro deegaanadeeda ay dadkaasi kusoo galaan.

Goobjoog News