U bood dhigaalka

Somaliland oo looga diyaar garoobayo doorashooyin ka dhaca (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Waxaa bilawday u diyaar garowga doorashooyin ka dhaca maamulka Somaliland, kuwaa oo kala ah mida Baarlamaan iyo tan madaxtooyada.

Dhawaan waxaa la magacaabay 7-xubnood oo gudiga doorashada maadaama gudigii hore ee xilkaasi haayay.

Sedax xubnood ayaa ilaa hadda is shaaciyay in ay u taaganyihiin doorashada golaha wakiilada maamulka Somaliland oo la filaayo inay dhacdo sanadka soo socda bishiisa Lixaad, waxaana ku jira Haweeneey.

Doorashooyinkaan ayaa la sheegayaa in waqti isku mid ah la qaban doono, xilli ay jiraan walaac ay qabaan xisbiyada mucaaradka ah oo ku aadan in dib u dhac uu ku yimaado doorashooyinkaan.

Hoos ka dhageyso Wariyaha Goobjoog Fm ee Deegaanada Somaliland oo arintaan sharaxaad ka bixinaaya

Goobjoog News