U bood dhigaalka

Somaliland oo mas’uuliyadda khasaarihii ka dhashay dagaalka saax-dheer dusha ka saartay hogaanka Khaatumo

Sheeko:Dalka

Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Maalgashiga ee Maamulka Somaliland ayaa Mas’uuliyadda qasaarihii ka dhashay dagaalkii ka dhacay Gobolka Sool ku eedeeyay Hogaanka Maamulka Khaatumo State.

Max’ed Cabdulaahi Cumar Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Maalgashiga ee Maamulka Somaliland oo la hadlay Goob-joog FM ayaa sheegay in Ciidamada Somaliland ay waajibaadkooda ka gudanayaan kooxo uu ku sheegay inay Caqabad ku yihiin Howlaha Maamulka.

Waxaa uu intaasi raaciyay in dagaalkaasi uu ku yimid go’aano uusan wax ka ogeyn Maamulka Somaliland oo uu sheegay in siyaasiyiinta qaarkood ay kaga dhawaaqeen gobolada uu ka arimiyo Maamulka Somaliland isaga oo shaaciyay in dagaalku uusan joogsan doonin inta Maamul kale uu ka dhaq dhaqaaqayo Gobolka Sool

Dhanka kale, Maamulka Khaatumo State ayaa Beeniyay warar sheegayey in Xubno ka mid h ergooyinkii ka qeyb galay Caleemo saarkii Madaxweynaha Maamulkaasi ay kaxaysteen Ciidamada Maamulka Somaliland.

Deegaanka saax-dheer ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ku dagaalamay ciidamada maamulka Soomaaliland iyo kuwa Khatumo, halkaas oo ay ku sugnaayeen ergo ka qeyb galeysay caleema saarka madaxweynaha cusub ee maamulka Khatumo Cali Khalif Galeyr.