U bood dhigaalka

Somaliland oo Puntland Ku Wareejisay Maxaabiis Lagu Qabtay Dagaalkii Boodacade

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka Somaliland ee gobolka Sanaag ayaa 4 askari oo ay maxaabiis ahaan uga qabteen Puntland  dagaal labada maamul  ku dhex maray deegaanka Boodacade ee degmada Dhahar dib ugu wareejiyey Puntland.

Taliyaha guutada 93-aad ee ciidanka militariga Somalialnd Taliye Xuseen Dheere ayaa Afar askari oo ciidanka Puntland ka tirsan ku wareejiyey xildhibaan Maxamed Aadan Canjeex oo ka tirsan baarlamaanka Puntland oo  u guddoomay Puntland askartan xoriyadooda dib u heshay.

Kulan ka dhacay magaalada Dhahar  oo 4 askari lagula kala wareegay ayaa taliyaha dhanka Somaliland ka socday  uu sheegay inay nabad qabaan isla markaana aanay wax dhibaato ah la kulmin mudadii ay Somaliland maxaabiista u ahaayeen .

Xildhibaan Maxamed Faarax Aadan Canjeex ayaa isaguna dhankiisa sheegay inay  talaabadan ay Somaliland ku  soo wareejisay askarta ay qayb ka tahay wada dhalashada ka dhaxaysa labada bulsho  isaga oo sheegay in si kasta oo ay waqtiyada qaar dhibaato iyo isku dhac u yimaaddo ay markasta ka weyn tahay Soomaalinimada iyo xiriirka xooggan ee ka dhexeeya labada shacab ee Puntland iyo Somaliland, “Askarta waa la xiraa dhib way la kulmaan sidaas darteed in la idin xiray yeyna noqon mid cadaawad idin gelisa, qof kastaa xabsi wuu geli karaa xataa mid aan dagaalamaynin “ ayuu kula dardaarmay xildhibaanku afarta askari ee uu la wareegay.

Diiwaangelin ay Somaliland ka bilawday gobolka Sanaag  horaanta bishii todobaad ee sannadkan ayaa sababtay dagaal khasaare dhaliyay  oo dhex mara Puntland iyo Somaliland, dagaalka ayaa lagu kala qabsaday maxaabiis ay ku jireen askartan la sii daayay ee xoriyadoodii dib u helay.

Goobjoog News