U bood dhigaalka

Somaliland Oo QM U Sheegtay In Aysan Qeyb Ka Aheyn Doorashooyinka Ka Socda Muqdisho

Sheeko:Amniga

Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa sheegtay inaysna shaqo ku laheyn doorashooyinka ka socda Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa Qaramada midoobay, Midawga Afrika iyo wadamada Caalamka loogu sheegay inaysan Somaliland shaqo ku laheyn waxa ka socda koonfur ay ugu yeereen “maamulka Fadhiidka “.

“Jamhuuriyada Somallland waxa ay 18kii may 1991, la soo noqotay gobonimadeedii luntay 1960kii, Soddon sano kadib, somaliland waa dal xor ah oo leh nidaam doorasho oo dimuquraadi ah, Isla markaana shacbigu doortaan cidda ku matalavsa golayaasha fulinta(Xukuumadda), sharci dejinta(G/baar1amaanka) Iyo dawladdaha hoose, si xor” ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Warka wasaaradda ayaa intaas la sii raaciyay “Sidaa daradeed dawladda Jamhuuriyada Somallland waxa ay uga digaysaa maamulka Iyo siyaasiyiinta soomaaliya sheegashada beenta Iyo khiyaaliga kudhisan ee lagu  marin habaabinayo  bulshada  caalaamka”.

Ugu dambeyn Somaliland ayaa ugu baaqday in ay ka waantoobaan siyaasiyiinta iyo dadka sheeganaya magaceeda ee ka qeybta ah doorashada Soomaaliya.

“Ugu dambayn Somaaliland oo ka mid ah dalalka hoggaamiya dimuqraadiyadda Africa, waxa aanay marnaba aqblayn in lagu soo daro arrimaha doorashooyinka soomaaliya oo aan khusayn Jamhuuriyadda Somaliland.”ayaa lgu yiri war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Goobjoog News