U bood dhigaalka

Somaliland Oo Shaacisay Odayaasha Dhaqanka Laba Kursi

Sheeko:Amniga

Guddiga hirgelinta doorashooyinka gobalada Waqooyi ee Somaliland ayaa shaaciyay odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ee soo dooranaya laba kamid ah kuraasta golaha shacabka.

Kuraasta odayaashooda dhaqanka la shaaciyay ayaa kala ah HOP#263 iyo HOP#241, kuwaas oo lagu wado in maalmaha soo socdo lagu doorto magaalada Muqdisho.

Waxaa horay Somaliland kuraastaan ugu matalayay xildhibaanada kala ah :-

HOP#241: Waxaa ku fadhiyay afartii sano ee la soo dhaafay xildhibaan Cabdirisaaq Daahir Maxamuud.

HOP#263: Waxaa ku fadhiyay afartii sano ee la soo dhaafay xildhibaan Muuse Saciid Jaamac Beesha.

Goobjoog News