U bood dhigaalka

Somaliland Oo Sheegtay In Ay Magan Galyo Siineyso Dadka Ka Soo Barakacay Afghanistan

Sheeko:Amniga

Jamhuuriyadda gooni isu taagga ku dhawaaqay “Somaliland” ee ayaa Jimcihii ku dhawaaqday inay diyaar u tahay “mabda ‘ahaan” qaabilaadda qaxootiga Afgaanistaan, sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa tilmaamay in wadahadalo la bilaabeen mas’uuliyiinta Mareykanka si ay si ku meel gaar ah u qaabilaan qaxootiga Afgaanistaan ee doonaya inay ka baxaan dalkooda kadib markii Taliban ay qabsadeen caasimadda kabul.

Sarkaalkan oo u waramyay wakaala wararka faransiiska ee AFP Wuxuu tilmaamay in heshiisku uu weli ku jiro marxalad bilow ah, oo aan wax faahfaahin ah oo la xiriira hababka farsamo ama waqtiga imaatinka qoxootigan aan laysla meeldhigin.

Iyadoo ay tobanaan kun oo reer Afgaanistaan ah ay doonayaan inay dalka ka baxaan tan iyo markii ay Taliban la wareegtay talada dalkaasi, ayaa codsi ka yimid Mareykanka, dawladda Uganda waxa ay sidoo kale si ku -meel -gaar ah u qaabishay koox ka kooban 51 qof oo ree Afgaanistaan toddobaadkan.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Uganda ayaa sheegtay in daad -gureyntan ay ku timid codsi ka yimid Mareykanka si ay si ku meel gaar ah dib udejin ugu sameeyaan muwaadiniinta Afgaanistaan iyo dadka kale ee “nugul” ee ku sii jeeda Mareykanka.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, Talibaan waxay ku guuleystay in ay awooddeeda ku fidiso inta badan dalka Afgaanistaan, 15 -kii Ogosto, dagaalyahannada Daalibaan waxay galeen caasimadda Kabul, waxayna la wareegeen xarunta madaxtooyada, halka Madaxweyne Ashraf Ghani uu ka baxay isagoo magangalyo weydiistay dalka imraatka.

Tan iyo markii xarakadu ay gacanta ku dhigtay Afgaanistaan, dalal dhowr ah ayaa Afgaanistaan ka daad gureeyay diblomaasiyiinta iyo muwaadiniintooda, in kasta oo ay Taliban sheegtay inay dammaanad qaadi doonto nabadgalyada dhammaan diblomasiiyiinta shisheeye.

Goobjoog News