U bood dhigaalka

Somaliland oo u Jawaabtay Safiirka Dowladda Turkiga u Fadhiya Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha  dibada maamulka Somaliland oo ka hadlay war ka soo yeeray safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, kaas oo ku aaddan baasaboorka Somaliland ayaa sheegay in ay aad ugu xun yihiin warka ka soo yeeray Turkiga.

Dr Sacad   ayaa war uu siiyay saxaafadda waxa uu kaga hadlay dowlada Turkiga iyo taariikhda ay ku leedahay Somaliland, isagoo xusay iney ka qayb qaadanayso  dadaalada ku aaddan dib u dhiska maamulka.

“Waddanka Turkigu waa waddan aan leenahay calaaqaad qoto dheer oo fog, mar waxaa jirtay aanu ka mid ahayn maamulkii dowladdii islaamiga ahayd ee Turkigu hoggaamiyaha ka ahaa , waxay halkan inala joogeen 1874-1884kii, intii ay nala joogeenna waxyaabo badna ayay dhiseen oo illa iyo maanta aynu intifaacsaneyno, oo ay kamid tahay biyaha Barbara iyo dakadda kalluumeysiga ee Barbara intuba ay ka mid yihiin, waxaa jira dhismayaal farabadan oo u baahan dayactir oo ay inaga ballan qaadeen iney dhisaan, waa waddan taariikh dheer inaga dhaxayso aanu asxaab nahay oo aan qadarinno”.

Waxa uu wasiirku sheegay in Somaliland ay aad uga xumaatay inqilaabkii la doonayay in lagu afgambiyo dowlad si dimuqraadi ah lagu soo doortay:

“Barigii dhaweyd ee inqilaabka la isku dayay waanu la xiriirney, waxaanan u sheeganay inaan ka xunahay in la isku dayo in la inqilaabo dowladda si dimiqraadi ah lagu soo doortay, Illaahay mahaddii wuu dhicisoobay, wasiirka ayaa sheegay in Turkigu uu Somaliland safaarad ku leeyahay taasina ay tahay astaan muujineysa jiritaanka maamulka”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Wasiirka ayaa ka dhawaajiyay in dowladda Turkigu ay ka codsatay in la xiro iskuulaadka Fethullah Gulen ee Hargeysa, iyaguna ay u sheegeen in sharciga loo eegayo oo baarintaanna lagu sameyn doono haddii uu iskuulku ku lug yeesho afgambigana la waafajindoono si uu qabo sharciga Somaliland, haddii ay soo bixi waydana ay noqonayaan dad aan dami lahayn, waxa uu sheegay; wasiirku, inuu rajeynayo in go’aanka ay qaataan Turkigu ku ixtiraamo, oo aaney cilaaqaadkeena labada dhinac aaney wax saameyn ah ku yeelan.

Mar wax laga weydiiyay hadallo ka soo yeeray safiirka Turkiga ee Somaliya oo ku aaddan baasaaaboorka Somaliland ayuu ku jawaabay:

“Aqoonsi muwaadin iyo baasaaboor ayaan leenahay, baasaaboorkeenna in la yiraahdo waa ID ama waa aqoonsi kaliya taa cidna marti ugama nihin”.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Ambassador Olgan Bekar oo Sabtidii saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay baasaaboorka Somaliland oo uu sheegay inaaney aqoonsaneyn.

Goobjoog News