U bood dhigaalka

Somaliland Oo Xafiis Ganacsi Ka Furatay Dubia

Sheeko:Dalka

Somaliland ayaa isniintii xafiis ganacsi ka furatay magaalada Dubai, kaas oo lagu sheegay in uu xoojinayo xiriirka dhaqaale ee ay la leeyihiin Imaaraadka.

Xafiiskan waxaa uu kaalmeyn-doonna shirkadaha Somaliland ee ka shaqeeya dhoofinta iyo soo dhoofsashada alaabaha iyo sidoo kale sidii dalka Imaaraadka u maal-geshan lahaa Somaliland.

“Imaaraadka waxaan la leennahay xiriir ganacsi, oo soo jiray muddo dheer” sidaasi waxaa yiri Muuse Biixi.

 “Dubai waa waddada ay soo maraan ganacsiga Somaliland dibadda ka keensato, ganacsato badana ayaa xarun ku leh” ayuu raaciyay Biixi.

Muuse Biixi oo sii hadlayey, ganacsiga Dubia iyo Hargeisa, waxaa uu ku qiyaasay sanadkii $300 million ilaa $400 million .

Muuse Biixi, waa madaxweynaha Somaliland, waxaa uu Dubai u joogaa casuumaad ay u fidiyeen Imaaraadka, safarka waxaa uu ku aaday kadib heshiis ay la galeen shirkadda DP World taasi oo waxba kama jiraan ku tilmaameen hey’asaha kala duwan ee dowladda federaalka ah.

Goobjoog News