U bood dhigaalka

Somaliland oo Xirtay Xarumo Cusub oo Xisbiga Waddani Ah

Sheeko:Amniga

Waxaa cirka isku sii shareeraya isku dhaca xisbiga siyaasiga ah ee Wadani iyo maamulka Somaliland oo socday todobaad.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada amniga ee taliyaha booliska Soomaaliland Janeraal Saqadhi ay la wareegeen Xarumaha Xisbiga WADANI ee Berbera iyo Ceerigaabo.

Khilaafka xisbiga siyaasiga ah ee Wadani iyo maamulka Somaliland ayaa sii xoogeysanaya, waa saacado uun kadib markii la xiray mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga.

Shalay ayay aheyd markii Ciidamada Booliska Soomaaliland ay awood kula wareegeen Xarunta Dhexe ee Xisbiga WADANI.

Habeenkii Isniintu soo galaysay ee 17 November 2019, waxa booliiska Somaliland xireen laba hoggaamiye oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi oo ah xogahayaha guud iyo Barkhad Jaamac Batuun, af-hayeenkii xisbiga, ayaa la xiray.

18 November 2019, waxa booliisku ay xireen xaruntii guud ee Telefiishanka Horn Cable, iyaga oo sidoo kale xabsiga u taxaabay tafitarihii telefiishanka Cabdiqaadir Cusmaan (Coday).

Dhankeeda, xarunta xuquuqal Insaanka Somaliland ayaa canbaaraysay xariga siyaasiyiinta mucaaradka Ah Iyo suxufiyiinta

Goobjoog News