U bood dhigaalka

Somaliland: Qalabka millatari ee Shiinuhu waa daandaansi lagu carqaladaynayo xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan

Sheeko:Amniga

Somaliland ayaa ka hadashay saanad ciidan oo dowladda Shiinaha ay shalay oo Jimca ahayd soo gaarsiisay dowladda Soomaaliya.

Agaasimaha guud ee madaxtooyada Somaliland Maxamed Cali Bile ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayaa sheegay in qalabka militeri ee shiinaaha uu yahay daandaansi lagu haayo xiriirka Somaliland ay la leedahay dhigeeda Taiwan.

“Qalabka millatari ee Shiinuhu u diray ciidanka Soomaaliya, xilli uu Madaxweynaha Somaliland booqasho ku joogo dalka Maraykanka, ma aha wax iska yimi, balse waa daandaansi lagu carqaladaynayo xidhiidhka Somaliland ee Taiwan iyo xidhiidhka ka dhexeeya Maraykanka.” ayuu yiri Agaasimaha guud ee madaxtooyada Somaliland Maxamed Cali Bile.