U bood dhigaalka

Somaliland: Qaramada Midoobey Oo $2.7m Siin-doonta Dadka Ku Waxyeeloobey Duufaanta

Sheeko:Dalka

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in gargaar dhan $2.7 million ay siin-doonto dadkii ay waxyeellada soo gaarsiisay duufaanta  Sagar taas oo dishay dad badan, isla markaana baa’ibisay hanti.

Peter de Clercq  oo hadlayey mar uu booqday magaalada Boorama ee gobolka Awdal waxaa uu sheegay in gargaarka lagu hagi-doono soo celinta nolosha iyo sidii dadka u heli lahaayeen cunto.

 “si nolosha caadi ugu soo noqoto, waxaan ballan-qaadeynaa $2.7 million,” sidaasi waxaa yiri de Clercq  isaga oo intaasi raaciyay in lacagta ka iman-doonto sanduuqa taageerada hey’adaha daneeya Soomaaliya kaas oo loogu talo-galay in wax looga qabto arrimaha banii’aadnimada Soomaaliya oo ay Somaliland ku jirto.

Waxaa la sheegayaa in ilaa  160,000 qof ay ku waxyeeloobeen duufaanta Sagar taaso oo sidoo kale dhibaato u geysatay kaabayaasha dhaqaale iyo khasaare naf iyo maal leh.

Mr. de Clercq intii uu Borama joogay waxaa uu la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland, madaxda hey’adaha NGO’ska, odoyaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada.

Qorshaha looga jawaabayo arrimaha banii’aadamnimada sanadkan waxaa lagu qiyaasay $390 million, waxaa ay 50% ka yar tahay sanadkii hore ee 2017kii.a

Goobjoog News