U bood dhigaalka

Somaliland: Waa Sidee Xaaladda Kadib Xariga Siyaasiyiinta iyo Suxufiyiinta

Sheeko:Dalka

Somaliland waxaa 12-kii saac la soo dhaafay ka dhacay qalalaaso siyaasadeed kadib markii la xiray qaar ka tirsan siyaasiyiinta xisbiga mucaaradka ee Waddani iyo Telefiishanka Horn Cable

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo saaka horkacayey dibad-baxyo ka dhacay magaalada Hargeysa ayaa sheegay  iney ka xun yihiin sida xaruntooda loola wareegay ayna tahay sharci darro, waxaa uu intaasi raaciyey in ciidama rasaas ridayeen isaga oo balan qaaday iney berri iyo maalin walbo sii wadayaan.

Xisbiga UCID ayaa cambaareeyey  sida ciidamada Somaliland u galeen xarunta xisbiga Waddanim una xireen siyaasiyiin  iyaga oo sheegay in xarumaha iyo madaxda xisbiyada ay sharci yihiin isla markaana aaney jirin sabab ciidan loo geliyo.

Odeyaasha Somaliland oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay iney reer reer ka baxeen, oo nidaam dowli ah dhisteen iyaga oo ku baaqay fadhi iyo in si deggan loo xaliyo iyaga oo ka digay qabyaalad iyo in la kala baxo.

Dhankeeda, xarunta xuquuqal Insaanka Somaliland ayaa canbaaraysay xariga siyaasiyiinta mucaaradka Ah Iyo suxufiyiinta

Habeenkii Isniintu soo galaysay ee 17 November 2019, waxa booliiska Somaliland xireen laba hoggaamiye oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi oo ah xogahayaha guud iyo Barkhad Jaamac Batuun, af-hayeenkii xisbiga, ayaa la xiray.

Maanta, 18 November 2019, waxa booliisku ay xireen xaruntii guud ee Telefiishanka Horn Cable, iyaga oo sidoo kale xabsiga u taxaabay tafitarihii telefiishanka Cabdiqaadir Cusmaan (Coday).

Goobjoog News