U bood dhigaalka

Somaliland: Waan Isaga Baxnay Doorashadii Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta Somaliland ayaa ku dhawaaqay in ay isaga baxeen dhamaan doorashooyinkii ka socday dalka kadib fara gelin ay sheegeen in uu ku sameeyay ra’iisul wasaaraha dalka.

Boqor Cismaan Burmadoow, Guddomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillahi, Senator Cabdi Ismaacil Samatar iyo xubna ka tirsan odayaasha dhaqanka Somaliland ayaa sheegay in fara gelin uu ku hayo xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka.

Mas’uuliyiintaan ayaa sheegay in kuraasta doorashadooda ay shaaciyeen guddiga SEIT ee Somaliland aysan wax door ah ku laheyn odayaasha dhaqanka kurastaasna uu ra’iisul wasaaraha uu shaqsiyaad gaar ah la rabo.

Dhaqanka iyo siyaasiyiinta Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in cabashadooda u gudbiyeen Rooble iyo reerkiisa balse aysan wax jawaab ah ka helin.

Goobjoog News