U bood dhigaalka

Somaliland: Waan Ku Faraxsannahay In Galeyr Uu Ogaado Inuu Yahay Somaliland

Sheeko:Dalka

Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay wada hadallo la sheegay inay la galayaan madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr.

Wasiirka warfaafinta maamulkaasi Cismaan Cabdillaahi Saxardiid oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan wada hadalladan, islamarkaana u arkaan guul soo hoyatay.

Waxa uu sheegay wasiirka in dhankooda ay wada hadalladan u saareen guddi wasiiro ah iyo sidoo kale Odoyaal dhaqameed.

“Xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo u saaray wada hadalladan guddi qaran oo ka kooban Wasiiro iyo madax dhaqameed, go’aanka uu qaatay Dr Cali Khaliif Galeyr oo ah mid geesinimmo ku dheehan tahay waan soo dhaweynaynaa haddii aynu nahay Somaliland, waana ku bogaadineynaa haddii ay garteen in isaga iyo saaxiibadiisa garteen in dadkiisa yihiin dad reer Somaliland ah, weligoodna ahaayeen dad reer Somaliland ah, shalay iyo daraadna ahaayeen, maantana yihiin berina ahaan doonaan” ayuu yiri wasiirka.

Madaxweynaha maamulka Khaatumo ayaa dhawaan sheegay  in wada hadal la furayo maamulka Somaliland loogana hadlayo arrimo ku aadan nabad galyada.

Goobjoog News