U bood dhigaalka

Somaliland: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Duufaanta

Sheeko:Dalka

25 qof ayaa ku dhimatay 27 kalana waa la la’yahay roobabkii duufaanta watay ee saddexdii maalmood ee u dambeeyay ka da’ayay deegaanada xeebta – sida lagu sheegay war kasoo baxay madaxtooyada Somaliland.

Sidoo kale, 167,250 (Boqol lixdan iyo todoba kun laba boqol iyo konton) qoys ayay saameeyeen roobabkii duufaannada watay ee saddexdii maalmood ee u dambeeyay ka da’ayay xeebaha Somaliland gaar ahaan deegaannada Saaxil, Salel, Awdal iyo Sanaag.

Dhinaca kale, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo la socda diyaarad Helicopter ah oo ay leedahay dawladda Jabbuuti ayaa kormeer ku maraya deegaanada ay duufaantu ku dhufatay ee Galbeedka Somaliland.

Goobjoog News