U bood dhigaalka

Somaliland: Wasaaradaha Caafimaadka Iyo Dib u- dejinta Oo Isku Qabsaday Qaxooti Ka Imaanayey Yemen

Sheeko:Dalka

Wasaaradaha  caafimaadka iyo dib u- dejinta  maamulka Somaliland ayaa isku khilaafsan  in la soo qaabilo  dadka  Soomaalida iyo Yemenida iskugu jira ee ka soo barakacaaya dagaalada sannadkii saddexaad u gudbay ee ka socda dalka Yeman.

Wasaarada caafimaad ee Somaliland ayaa soo saartay go’aan ay ku sheegayso inaan dekada Berbera iyo garoonada diyaaradaha ee Somaliland maamusho aanay ka soo degi Karin dadkaasi Yeman ka soo cararay waxayna ku sababaysay  in dalka Yeman ay ka dilaceen xanuuno cururka Daacuun ka mid yahay taasina ay khatar ku tahay nolosha dadka ku dhaqan Somaliland .

Wasaarada caafimaadku waxay sheegtay in go’aankaasi uu yahay mid dhaqangalaaya laga bilaabo taariikhda 22-ka bishan November iyada oo ay todobaadkana la sugaayao dooni sida dad ka  soo barakacay Yeman  agaasimaha wasaarada caafinaadka  Abiib Aadan Nuur  ayaa weriyayaasha sidaasi u sheeegay .

Go’aankaasi mid burinaaya waxa iyaduna soo saartay  wasaarada dib u-dejinta  ee isla Somaliland  waaxayna sheegtay inay arrinta ku saabsan dadkaasi ay tahay shaqadeeda balse aanay  wasaarada caafimaadku shaqo ku lahayn waxayna wasaarada dib u-dejintu intaasi sii raacisay in dadkaasi dhibaataysan oo la celiyo ay ka hor imanayso xuquuqda uu leeyahay qofka aadmiga ah ee hoygiisa ka barakacay waxaansu  agaasimaha wasaarada dib u dejinta  Cabdinaasir Daa’uud  uu sheegay inaanay wasaarada caafinaadka arrintaasi ka wada soconin.

Laga soo bilaabo dhammaadkii sannadkii 2014-kii meelo magaalada Berbera ka mid tahay waxa soo  gaarayey dad  Soomaali iyo ajaanib kale iskugu jira oo ka soo barakacay dagaalada dalka Yaman, waxaana hore Soomaaliland loogu canaantay in ay dad Soomaali ah deegaan ahaan ku kala saareen inkasta oo markii  dambe madaxweyne Siilaanyo uu ku booqday xarumo laga dejiyey dadkaasi magaalada Berbera.