U bood dhigaalka

Somaliland: Weriyaha Goobjoog Ee Burco Oo La Xiray

Sheeko:Dalka

Ciidamada booliska Somaliland ayaa waxaa ay xalay xabsiga u taxaabeen weriyihii Goobjoog Media Group ee magaalada Burco Xasan Xandulle.

Xasan ayaa maalin ka hor intii aan la xidhin waxaa uu xafiiskeenna Hargeisa u sheegay in la raadinayo laguna haysto war aanu baahin hase ahaatee uu bartiisa Facebook ku sheegay in uu baahin doono.

ilaa hadda kama hadlin hey’adda booliiska ama guud ahaan Somaliland sababta loo xiray iyo haddii ay tahay qoraal bartiisa Facebooga ah.

Warbaahinta Goobjoog waxaa ay ka wal-walsantahay nolosha iyo xaaladda weriye Xasan, iyada oo xarigaas u aragto caburin xuriyadda hadalka ah, dalbaneysana in si degdeg loo sii daayo.

Goobjoog News