U bood dhigaalka

Somaliland: Xildhibaan Sheegay In Khaliijka Kala Shaqeynayo Aqoonsi Ay Ka Helaan Dunida

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Axmed Maxamed oo kamid ah golaha wakiillada Somaliland ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News wuxuu sheegay in calanka Somaliland oo laga taagay qasriga Boqortooyada Sacuudiga  ay uga dhigan tahay Somaliland arrin guul ah.

Wuxuu carrabaabay xildhibaanku in Wadamada Khaliijka oo ay u horreeyaan Sacuudiga iyo Imaaraadka ay ku guda jiraan qorsheyaal ay ku aqoonsanayaan Somaliland, isagoo tilmaamay in xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka oo xunna ay ka faa’iideysanayaan.

“Arrintaas waxay inooga dhigan tahay Ictiraaf, waana heli doonnaa, waxaan leenahay walaalahayo Soomaaliyana ha tuso in aynu nahay laba dal oo walaalo ah” ayuu yiri xildhibaanka.

Dhanka kale, xildhibaan Axmed Maxamed oo kamid ah baarlamaanka Somaliland oo sheegay in dhowaan ay sugayaan aqoonsiga guud, wuxuuna ka dhawaajiyay qorshe ay wadaan wadamada Khaliijka.

“Waxaa jira qorsheyaal ay wadaan Sacuudiga, Imaaraadka Iyo Cumaan oo ku aaddan in Somaliland ay tahay dal madaxbannaan ay dhowaan ku dhawaaqaan” ayuu yiri xildhibaanka Somaliland ka tirsan.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo bilihii la soo dhaafay xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya xukuumadaha Muqdisho iyo Abu Dubai uu gaaray meeshii u hooseysay.

Dhanka kale, Dalka Sucuudiga oo xiligaan lagu gudo jiro gudashadii Xajka ayaa boqor Salman waxaa uu qaabilaad ugu sameeyey qasriga booqrtooyada dalkaas Madaxdii wadamada Islaamka ah ee kasoo qayb galay gudashada Xajka.

Shir ka dhacay boqortooyada Sacuudi Careebiya oo laga soo baahiyay talefishinka afka dowladdaasi ku hadla ayaa waxaa ka soo muuqday calankii Somaliland oo ka babanaya gudaha qasriga boqortooyada.

Boqor Salmaanka Sacuudiga ayaa qaabilay madaxdii ka socotay caalamul Islaam waxaana kamid ah oo muuqaalka ka soo muuqday madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Seylici.

Xukuumadda Riyadh oo madax u ah isbahaysiga Carbeed ee Khaliijka oo sanadkii la soo dhaafay xiriirka diblumaasiyadeed u jaray dalka Qatar ayaa waxay muddo ka shaqeynaysay sidii dowladda federaalka Soomaaliya ay uga gadi lahayd siyaasadda ah in xiriirka ay u jarto Qatar.

Somaliland ayaa la xasuustaa in khilaafkaasi khaliijka markii uu soo shaac baxay in aragti wadaag la noqotay isbahaysigani Sacuudigu hoggaamiyo.

Dowladahani Khaliijka ee uu hurmuudka u yahay dalka Sucuudiga ayaan marna ku qanacsaneyn mowqifka madaxda dowlada Federaalka ee ku aadan xiriira ay la leeyihiin xukuumadda Dooxa, iyagoo aamnisan in go’aankooda dhexdhexaadnimida ah uusan aheyn mid daacad ka ah.

Goobjoog News