U bood dhigaalka

Somaliland: Xisbiga Kulmiye oo Sheegay iney Mucaaradka La Safanayaan Haddii Xukuumadda Muddo Kordhin Loo Sameeyo

Sheeko:Dalka

Xisbiga Muxaafidka ah ee Kumiye ee Somaliland ayaa sheegay in aanay diyaar u ahayn in mar kale xukuumadda talada haysa muddo kordhin loo sameeyo.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel) ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo aanu doonayn intay ogyihiin  in muddo kordhin kale loo sameeyo isla-markaana uu dhamaysanayo Wakhtiga u haray oo keliya, Xisbi ahaanna ay diyaar u yihiin in doorashadu Wakhtigeeda ku qabsoonto.

“Axmed-Siilaanyo waakii Caddeeyay ee yiri Anigu mar dambe oo aan isa soo sharraxayaa ma jirto, hadduu Kursi jaceyl hayo muu yiraahdeen Hal Mar baa igu filan oo kamuu tanaasuleen markiisii labaad, markaa qofku waa inuu Maskaxda ku hayaa arrintaa Taariikhiga ah, Madaxweyne Afrikaan ah oo kursiga ku fadhiya oo yiraahda intaasaa igu filan Axmed-Siilaanyo ayaa u horeeya , haddii ayna jirin ol’ole qolada la shaqaynasaa  ay rabaan inay meesha ku sii joogaan , oo ay kulana heshiiyaan qolaha wakiilada  taasina waa ceeb ”.

Guddoomiye Shabeel, waxa kale oo uu sheegay, “Duruuf xagga Rabbi ka timaadda mooyaane wax dib u dhac doorasho ah oo annaga nagu jirtaa ma jirto, markaa maxaa muddo kordhin la noogu sameeyaa tii horeba maanaan dalban ee Komiishankaa keenaye, maantana waa sidii oo kale oo diyaar uma nihi wax Muddo kordhin la yiraahdo oo waanu diyaar u nahay inay doorashadu dhacdo” ayuu yiri.

Waxaanu intaasi ku daray in haddii xukuumaddu  keento qorshe ay ku doonayso muddo kordhin ay la safan doonaan xisbiyada mucaaridka ah oo ay arrintaasi ka soo horjeesan doonaan madaama uu haddaba madaxweynaha xisbigooda hore uga soo baxay uu muddo kordhin ku fadhiyo. 

Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland ayaa sheegay inuu jiro qorshe uu u ol’oleeynayo  wasiirka madaxtooyada  Somalland Maxamuud Xaashi Cabdi  kaasi  ah in muddo lix bilood ah dib loo dhigo doorashooyinka ee horey loogu cayimay  17-ka April 2017.

Goobjoog News