U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya Oo Gaashaanka U Daruurtay War Ka Soo Baxay Midawga Afrika

Sheeko:Amniga

Dowladda Soomaaliya ay si adag uga hor timid warbixin ay soo saareen guddiga madaxa banaan ee qiimeynta midawga Afrika.

Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Mocalimuu ayaa sheegay in dowladda ay si adag uga soo horheeddo warbixinta ay soo saareen guddiga.

“Iyadoo laga jawaabayo warbixintii ka soo baxday Guddiga Qiimeynta Madaxa Bannaan ee Midowga Afrika ayay dowladda Soomaaliya  kulan ka yeelatay warbixintaas,waxa ayna si hor dhac u diidday natiijada warbxinta. ayuu yiri afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Mocalimuu.

Warka ka soo baxay xukuumadda ayaa sidoo kale waxa intaas la sii raaciyay in ay dowladda warbixin rasmi ah ka soo saareyso warka ka soo yeeray guddiga oo lagu sheegay in soomaaliya afartii sano ee la soo dhaafay ay wax horumar ah sameynin oo ay lugaha kula jirtay qalalaaso.

“DFS waxay soo saari doontaa qoraal rasmi ah oo arrintaas la xiriira”, ayuu intaas hadalkiisa sii raaciyay Afhayeen Mocalimuu.

Goobjoog News